Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Sagootiyey Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida iyo Wefti uu hoggaaminayo

HARGEYSA – (WARSOOR) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa sagootiyey wefti uu hoggaaminayo madaxweynaha dawlad-deegaanka Soomaalida oo dalka u yimi ka qaybgalka munaasibaddii lagu furayey ballaadhinta marsada caalamiga ah ee Berbera.

Madaxweyne Muuse Biixi, ayaa madaxweynaha dawlad deeganka Soomaalida ugaga mahadnaqay kasoo qaybgalkiisa munaasibadda furitaanka dekedda Berbera, waxana kulanka goob joog ka ahaa xubno kamid ah golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland, wasiirro katirsan dawlad-deegaanka Soomaalida iyo safiirka dalka Itoobiya u fadhiya caasimadda Hargeysa.