Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Kulamo Sagootin Ah La Yeeshay Qaar Kamid Ah Wufuuddii Dalka U Timi Ka Qaybgalka Munaasibadda 18-Ka

Hargeysa – (warsoor) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kulan sagootin ah xafiiskiisa kula qaatay wufuud ka kala socotay dalka Jabuuti iyo dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya oo waddanka u yimi ka qaybgalka munaasibadda 18-ka May oo xalay lagu qabtay qasriga madaxtooyada Somaliland.

Madaxweynaha, ayaa xubnaha weftiga ah ee ka kasoo kicitimay magaalooyinka Jabuuti iyo Jigjiga uga mahadnaqay kasoo qaybgalkooda munaasibadda qaran ee 18-ka May iyo taageerada ay muujiyeen shacabka reer Somaliland ee dabbaaldegga ku hawllan.

Wufuudda ka socotay Dalka Jamhuuriyadda Jabuuti iyo maamulka Soomaalida Itoobiya, ayaa dhankooda madaxweynaha, xukuumadda iyo guud ahaanba shacabka reer Somaliland uga mahadnaqay sida milgaha leh ee ay usoo dhaweeyeen iyo walaaltinimada ay muujiyeen.

Wa-bilaahi tawfiiq