Madaxweynaha Somaliland Oo booqday Xaaji Cabdi Waraabe Oo Xanuun U Jiifa Gurigiisa

Hargeysa – (warsoor) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo ayaa maanta gurigiisa ku bookhday Xildhibaan Xaaji Cabdikariim Xuseen (Cabdiwaarabe) oo xaalad caafimaad u jiifay gurigiisa maalmihii u danbeeyey.

Xaaji Cabdikariim ayaa madaxweynaha iyo shacbiga Somalilandba uga mahadnaqay ka warhaynta xaaladiisa, sidoo kalena waxa uu xaajigu u duceeyey qaranka iyo shacbigiisaba, dhinaca kale marwada xaajiga ayaa uga mahadnaqday madaxweynaha bookhashada uu ugu yimid xaajiga. Sidoo kale waxa halkaasi ka hadlay wasiirka xanaanada xoolaha md Cukuse iyo suldaanka guud ee beelaha Somaliland.

Halkan ka daawo warkan:

https://www.youtube.com/watch?v=04lP2HyA36A&feature=youtu.be

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.