Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Gurigiisa Ku Booqday Abwaan Hadraawi, Qaar Kamid Ah Huteellada Waaweyn Ee Caasimaddana Shacabka Wakhti Kula Qaatay


Hargeysa -(WARSOOR)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta guriga uu ka deggen yahay caasimadda Somaliland ee Hargeysa ku booqday Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) oo kamid ah abwaannada ugu caansan guud ahaanba geyiga ay ku dhaqan tahay bulshada Afka Soomaaliga ku hadashaa.

Sidoo kale, waxa uu madaxweynuhu booqday huteellada Ambassador iyo Casood, waxana uu shaah iyo salaan la wadaagay shacab tiro badan oo farxadda ciidda halkaas ku qaadanayey, kuwaas oo ku farxay inuu madaxweynahoodu halkaas ugu tegay.