Maayarka Caasimadda Hargeysa oo Bulshada Ugu Baaqay Olole Nadaafeed

HARGEYSA – (WARSOOR) – Maayarka Cusub ee Caasimadda Somaliland ee magaaladda Hargeysa Muddane Cabdikariin Axmed Mooge ayaa bulshada Somaliland gaar ahaan dadweynaha magaalada Hargeysa ugu baaqey olole nadaafadeed oo lagu nadiifinaayo dooxa magaalada Hargeysa.

Maayarka oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta dawaldda hoose ee magaaladda Hargeysa ayaa sheegay in maalinta khamiista ah ay bulshado yar iyo weyn, mid shaqeeya iyo mid aan shaqeyn laga wadda qayb qaato ololaha lagu nadiifinaayo caasimadda.

Halkan ka Daawo Baaqa Maayir Mooge: