Maayarka Caasimadda Hargaysa oo Mar kale u Tartamaya Golaha deegaanka Caasimadda & Xisbiga Kulmiye oo lagu soo dhaweeyay

HARGEYSA – (WARSOOR) – Gudoomiye ku xigeenka 2-aad ee Xisbiga Kulmiye , Madax iyo Mas’uuliyiin kale ayaa ka qayb galay Xaflad uu Maayarka Caasimadda Hargaysa C.raxmaan Maxamud Caydiid Solteco ku Shaacinayay inuu mar kale u tartamayo Golaha deegaanka ee Caasimadda Hargaysa.

Munaasibadan oo lagu qabtay Xarunta dhexe ee Xisbiga Kulmiye ayaa Hogaanka Xisbigu kula Wareegeen Laba Musharax oo loo soo kala xulay Golaha deegaanka Caasimadda iyo Golaha Wakiilladda.

Xubno Madax dhaqameed ah, Mudan iyo Madax kale oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay inay go’aansadeen in Mudane C.raxmaan Maxamud Caydiid Solteco uu u Tartamo Golaha deegaanka Caasimadda Hargaysa iyo Murashax Cali Xawaadle Madar oo u tartami doona Golaha Wakiiladda Somaliland.

Waxay Xubnihii halkaas ka hadlay Sheegeen in Maayarka Caasimadda Hargaysa C.raxmaan Maxamud Caydiid Solteco ay aaminsan yihiin inuu wax badan ka qabtay Horumarinta Caasimadda hargaysa halka Musharaxa ay u soo xuleen golaha wakiilladda ay u arkaan mid wax ka qaban kara dejinta shuruucda uu dalku u baahan yahay.

Gudoomiye ku xigeenka 2-aad ee Xisbiga Kulmiye Mudane Axmed Cabdi Dheere ayaa u mahadnaqay Cuqaasha iyo Madaxda dhaqanka deegaanka soo xulay Labadan Musharax oo uu sheegay inay Tacab badan geliyeen Caasimadda hargaysa iyo in Xisbiga Kulmiye ku guulaysto hogaaminta Qaranka.

Maayarka Caasimadda Hargaysa C.raxmaan Maxamud Caydiid Solteco ayaa ka mid ahaa Musharixiintii Xisbiga Kulmiye uga qayb galay Tartankii doorashadii golayaasha deegaanka ee Caasimadda hargaysa.