Maareeyaha Dekedaha Somaliland Eng Siciid Xasan oo ka Qaybgalay Kulan Balaadhan oo Lagaga hadlaayey Wadatashi ah oo ku saabsan dhismaha Jidka Berbera -Wajaale

HARGEYSA – (WARSOOR) – Maareeyaha Dekedaha Somaliland Eng Siciid Xasan Cabdilahi, ayaa ka qaybgalay Kulan Balaadhan oo lagaga hadlaayey Shir Wadatashi ah oo ku saabsan dhismaha Jidka Berbera -Wajaale (Berbera Corridor) kasoo maanta lagu qabtay Hargeisa.
Shirka oo ay ka qaybgaleen Wasiiro, khubaro iyo saraakiil kala duwan, ayaa lagu falanqeeyay heshiiskii ugu dambeeyey ee Somaliland iyo Ethiopia ay wadagaleen sanadkii 2016. Waxa kale oo dirradda lagu saaray arimaha Kastamada, Gaadiidka iyo buuxinta hal-beegyada caalamiga ah ee laga rabo Dowladdaha marka ay heshiis galayaan.

Kulanka oo ah gogol-xaadh ayay Saraakiisha Somaliland kaga sii tashanayeen qodobada ay la hortagayaan Waftiga Itoobiyaanka ah ee la filayo in ay dhawaan heshiiska kala saxiixdaan.