Maamulka Gobolka Banaadir oo ka shiray xoojinta amniga caasimadda

Muqdisho – (warsoor) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa shir gudoomiyay kulan looga hadlayay dardar galinta Amniga Caasimadda Muqdisho.

Kulanka ayaa waxaa kasoo qeyb galay Guddoomiyaha Haweenka Qaranka, Guddoomiyeyaasha Degmoyinka, Ururka haweenka Gobolka Banaadir iyo dhalliyarada Gobolka, waxaana diiradda lagu saaray xoojinta amniga iyo sidii looga hortegi lahaa dhagaraha ay maleegayaan argagixisada Al-Shabaab.

Qaar ka mid ah Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir oo shirka ka hadlay ayaa sheegay in dhankooda ay dardar gelin doonaan amniga caasimadda, waxaana ay shacabka Degmooyinka ka codsadeen inay la shaqeeyaan laamaha amniga, si loo fashiliyo dhagarta ay maleegayaan argagixisada Al-Shabaab.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa faray dhamaan laamaha amniga inay xoojiyaan nabadgelayda caasimadda, ayna ka hortagaan cidkasta oo dooneysa inay carqaladeyso amniga magaalada Muqdisho.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.