Maamulka Gobolka Awdal Iyo Ka Degma Boorama Oo Ka Qaybgalay Kulan Ku Saabsan Adeegyada Caafimaadka

HARGEYSA – (WARSOOR) – Guddoomiyaha gobolka Awdal iyo maayarka degmada Boorama ayaa ka qayb galay kulan ay soo qaban qaabisay Hay’adda H.P.A ee ka shaqeysa arrimaha caafimaadka, kaas oo loo qabtay maamulayaasha todoba iyo sodon xarumo caafimaadka oo gobolkaas ah.

Kulankaas oo lagaga hadlayey waxyaabihii u qabsoomay hay’addaas saddexdii bilood ee u dambeeyey iyo waxyaabaha u qorshaysan in ay ka qabato dhinaca caafimaadka ee gobolka Awdal, ugu horeyn waxa halkaas ka hadlay madaxa xarumaha caafimaadka ee gobolka Awdal Farxaan Cabdisamad, oo faahfaahin ka bixiyey doorka laxaadka leh ee ay ka geysato taageerada adeegyada caafimaadka hay’adda H.P.A degmooyinka iyo deegaannada kala duwan ee gobolka Awdal.

Sidoo kale, waxa halkaas ka hadlay madaxa hay’adda H.P.A Drs. Maryan Cabdilaahi Daahir iyo Dr. Maxamed Xaamud, oo sheegay in ay bilaash ku bixiyaan xarumaha hooyada iyo dhallaanka ee gobolka Awdal cidii adeegyo caafimaad u soo raadsata isla markaana ay diyaar u yihiin hirgelinta iyo xoojinta mashaariicahaasi, waxayna u mahad celiyeen wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland.

Waxa kale, oo isna munaasibadaas ka hadlay isuduwaha wasaaradda horumarinta caafimaadka ee goboka Awdal, Dr. Mustafe Muumin oo masuuliyiinta gobolka iyo degmada uga mahadceliyey ka soo qaybgalka kulankaas lagaga hadlayey adeegyadii caafimaadka ee saddexdii bilood ee u dambeeyey, isaga oo intaas raaciyey in ay diyaar u yihiin in lagala xisaabtamo adeegyada ay bulshada masuulka uga yihiin, wuxuuna ammaan u soo jeediyey masuuliyiinta hay’adda H.P.A.

Geesta kale, maayarka degmada Boorama Saleebaan Xasan Xaddi, oo halkaas ka hadlay ayaa tilmaamay in ay kala xisaabtamayaan hay’adaha kala duwan ee ka hawlgala degmada adeegyada ay bulshada u hayaan.

Dhankiisana waxa kulankaas ka hadlay guddoomiyaha gobolka Awdal Maxamed Axmed Caalin (Tiimbaro) oo sheegay in adeegayaasha caafimaadku ay hayaan shaqo iyo waajibaad ka duwan kuwa ay hayaan hawl-wadeenada kale ee bulshadu, taas oo ah in ay masuul ka yihiin naf bani’aadam ah oo u baahan in la badbaadiyo, isla markaana loo baahan yahay in la helo aqoonteedii iyo akhlaaqdeediiba.

Gabogabadii waxa kulankaas ka hadalay gudoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda Farxaan Aadan Haybe, oo tilmaamay in ay mudan tahay hay’adda H.P.A in lagu daydo, isaga oo xusay in ay baryahanba ay hay’adda shaqaaluhu waday qiimeynta iyo tayeynta xirfadlayaasha kala duwan ee ka hawlagala hay’adaha dawladda.