Maamulka Degmada Sallaxley Aayaa Boqol Milyan Oo Shillingka Somaliland Ah Ku Wareejiyay Guddida Dhismaha Wadada Cad Ee Hargeysa Sallaxley Iyo Ina Guuxaa

HARGEYSA – (WARSOOR) – Lacagtaasi ayaa ahayd mid uu maamulka Sallaxley ugu tala galay inuu kaya qayb qaato hawl dhismaha wadada cad taas oo hadda la bilaabay Wajigii saddexaad oo 21 killo meter ah iskuna xidhi doonaa deegaanka Qool-caday iyo degmada Sallaxley.

Guddoomiyaha degmada Sallaxley Ismaaciil Yuusuf Xuseen Shiine ayaa u mahad celiyay Wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka iyo cid kasta oo ka qayb qaadatay dhismaha Wadada cad.

Waxaanu xusay dhismaha wadada cad in kaalin mugleh ay ka qaadatay kor u kaca dakhliga degmada Sallaxley.

Ugu dambayn Faysal Muuse Shide guddoomiyaha gudida dhismaha wadada cad ee Hargeysa Sallaxley iyo Ina Guuxaa, Suldaan Cismaan Baane iyo Garaad Mustafe oo kamid ah gudida ayaa maamulka degmada Sallaxley uga mahad celiyay  lacagta 100 milyan ee Shilinka Somaliland ee loogu tala galay Wadada Cad. Waxayna dhamaan bulshada ka codsadeen in laga qayb qaato dhamaystirka dhismaha wadada cad oo la bilaabay Wajiga saddexaa