Maamul goboleedyo soo dhoweeyey baaqii Aqalka Sare

MUQDISHO   – (WARSOOR) –  Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya ayaa shalay ugu baaqday madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo in sida daatuurku uu qabo uu kulan la yeesho dhammaan madaxda dawlad goboleedyada.

Waxay safaaraddu ku sheegtay barteeda twitter-ka in wadahadal u dhexeeya dawladda federaalka iyo maamul goboleedyada degdeg loogu baahan yahay si loo xalliyo khilaafaadka siyaasadeed, loo hirgeliyo dayn cafinta, iyo la tacaalista Covid19.

Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa sidoo kale shalay waxa uu madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada ugu baaqay inay isugu yimaadaan shir lagu xalinayo khilaafka u dhaxeeya.

Qaar ka mid ah maamul goboleedyada Soomaaliya ayaa soo dhoweeyey baaqa Aqalka Sare. Warbixintan waxaa Muqdisho ka soo dirtay Seynab Abuukar Maxamed.

XIGASHO: VOA SOMALI