Liiska xubnaha guddiga doorashada ee cabashada laga keenay oo lasoo bandhigay

MUQDISHO – (WARSOOR) – Guddi uu Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble u magacaabay inay soo eegaan cabashooyinka laga soo gudbiyey xubno ka mid ah guddiyada doorashada heer gobol iyo federal ayaa shaaciyey liis ka kooban 67 xubnood oo ay sheegen in casbaho laga soo gudbiyey.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa guddigaasi oo ah heer wasiir ka dhagaysan doona cabashooyinka la soo gudbiyey ka hor inta uusan qaadan tallaabo uu ku beddelayo ama ay kusii jirayaan gudidgaasi.

Maalintii shalay ayaa xubnaha midowga musharrxiinta madaxtinnimada waxay liiska u gudbiyeen Ra’iisul Wasaaraha.

Midowga Musharaxiinta ayaa sheegay in xubnaha ay cabashada ka qabaan ay ku jiraan shaqaale dowladeed, iyo wakiilko ka tirsan hay’adda sirdoonka dalka.

Wax ka qabashada arrintan ayaa qeyb ka aheyd heshiiskii laga gaaray muranka doorashooyinka ee Muqdisho lagu saxiixay 25-kii May.