Kuuriyada Woqooyi iyo tan Koonfureed oo gantaallo ku garaacay xadka badda ee ay wadaagaan

KUURIYADDA-WAQOOYI – (WARSOOR) – Labada dal ee Kuuriyada Waqooyi iyo tan Koonfureed ayaa markii ugu horreysay gantaallo ku garaacay xadka badda ee ay wadaagaan dalalkaasi.

Kuuriyada Waqooyi, ayaa lagu soo waramay in saaka oo Arbaca ah ay 10 gantaal oo kuwa nuucoodu yahay ridada gaaban ku ridday biyaha badda ee ay la wadaagto Koonfurta Kuuriya iyo Jabaan.

Mid kamid ah gantaaladaasi  ayaa markii ugu horeysay ku dhacay meel 60 km u dhow biyaha Kuuriyada Koonfureed, waxayna tallaabadaasi keentay in Seoul ay bixiso jawaab degdeg ah ,iyadoo sadex gantaal ku ridday xagga Kuuriyada Woqooyi.

Xiisadahaan ugu dambeeya ayaa yimid, ka dib markii Pyongyang ay ka dalbatay Mareykanka iyo Kuuriyada Koonfureed inay joojiyaan dhoolatuska militari ee baaxadda leh ee socda, iyadoo sheegtay in “daandaansiga militariga aan hadda loo dulqaadan karin”.

Waa markii ugu horreysay ee labada Kuuriya ay qaadaan fal nuucaan oo kala ah tan iyo markii uu dhammaaday dagaalkii gacan ka hadalka ahaa ee  sannadkii 1953-kii