Kulanka wada tashiga hirgalinta Xeerka Maalgashiga Somaliland

HARGEYSA – (WARSOOR) – Kulan wada tashi oo lagu gorfaynayay hirgalinta iyo hagi-taan farsameedka Xeerka Maalgashiga (xeer Lr 99/2021 Somaliland investment act), ayaa saaka ka qabsoomay Hotel Baraar ee magaalada Hargaysa.kulankan ayaa waxaa ka soo qayb galay hay’adaha iyo Wasaaradaha dawladda ee uu khuseeyo xeerkani.

Hay’adaha iyo Wasaaradaha dawladda ee lagu casuumay kulankan ayaa waxa ka mid ahaa:

1. Wasaaradda Horumarinta Beeraha.

2. Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda

3.Wasaaradda Shaqo -gelinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska

4.laanta Socdaalka iyo Xakamaynta Xuduudaha

5. Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guriyeynta

6.Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga

7. Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka

8.Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta

9.Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Dalxiiska10. Wasaaradda Teknoolajiyada iyo isgaadhsiinta

11.Hay’adda Caymiska Qaranka Somaliland

12. Xeer ilaalinta guudkulanka ayaa waxaa ugu horreyn furtay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta maalgashiga Marwo Fadxiya Maxamed Cabdiraxmaan, waxaanay ku dardaarantay in qaranka laamaha dawladda ee kala duwan ee uu quseeyo maalgashigu si hufan ugu adeegaan isla markaan wada shaqayn joogto ah yeeshaan, taas oo u sahlaysa in maalgashadayaal tiro badan dalka lagusoo jiido, iyadoo ay ku imanayso in wada shaqayn dhaw ay yeeshaan hay’adaha dawladda ee Maalgashigu quseeyo iyo Wasaaradda u xilsaaran qaranka suuq gaynta iyo usoo dabista maalgashadayaal caalamiya iyo kuwo maxalliya, isla markaana khayraadka dihin ee dalkeenna u iibgayno.

Kulanka ayaa lagaga doodey sidii xeerkani uga dhaqan gali lahaa dalkeenna Somaliland, xeerka maalgashiga oo ah mid maray sifaha sharciga ah ee shuruucda dalku maraan isla markaana kusoo baxay saxeex Madaxweyne ayaa la rajaynayaa in uu noqdo mid suga, xaqa xuquuqda iyo xuduudda maalgashadayaasha qarankan hantida galiyey. Iyada oo uu Xeerkani meesha ka saarayo caqabadaha ka hor iman kara Maalgashadayaasha, isaga oo dammaanad buuxda siinaya cid kaste oo maanka ku haysa in ay maalgashi ka samaysato dalkan dihin ee Somaliland.

Sidoo kale xeerkan maalgashiga Somaliland aya waxaa la filayaa in uu albaabka u furo, fursado maalgashi, shaqo abuur baaxadle, kor u qaadista koboca dhaqaalaha dalka, iyo soo jiidashada soo jeedinta indhaha maalgashayaal caalamiya iyo kuwo maxalliyaba. Gabogabadii shirka ayaa hay’adihii dawladda ee uu khuseeyay isla qaateen in ay hirgalintiisa, ku dhaqankiisa iyo ku dhaqistiisa maalgashadaayashaba ay si mug iyo midaal-cullabeedle uga qayb qaadanayaan.

Xafiiska Warbaahinta

Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga