Kulan ku Saabsan Qiimaynta Qorshayaasha Horumarineed oo ka furmay Magaaladda Laascaanood

Laascaanood – (warsoor) – Wasaaradda qorshaynta qaranka Somaliland ayaa magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ku qabatay kulan ku saabsan qiimaynta qorashaha horumarineed ee ka qabsoomay gobolka Sool shantii sanno ee u dambeeyay.

Sida uu ku soo waramaayo wariyaha wakaaladda wararka Somaliland SOLNA ee magaalada Laascaanood Liibaan Qaran, kulankaas waxa lagu falan-qeeyay arrimihii gobolka Sool uga qabsoomay qorshihii labaad ee shan sannadoolaha ahaa ee qaranka Somaliland wixii uga qaybsoomay gobolka Sool, sidoo kale waxa lagu darsay caqabadahihii ka hor yimi qorshahaas.

Qaar ka mida masuuliyiinta ururada bulshada ee gobolka Sool ayaa soo dhaweeyay kulankaas ku saabsan dib u qiimaynta qorshihii horumarineed ee gobolka Sool uu ku lahaa qorshaha guud ee horumarinta qaranka, waxaanay halkaas ka soo jeediyeen talooyin ku saabsan qorshahaas.

Jaamac Ibraahin Ciise isu-duwaha wasaaradda qorshaynta qaranka ee gobolka Sool ayaa ka warbixiyay arrimihii gobolka Sool uga qabsoomay qorshaas labaad ee qaranka, isu-duwe Jaamac Ibraahin waxa kale oo uu ka hadlay talooyin ku saansan baahiyaha gobolkaas loogu dari doono diyaarinta qorshaha sadexaad ee horumarinta qaranka Somaliland.

Ugu dambayn gudoomiye ku-xigeenka gobolka Sool  Saleebaan Diiriye iyo maayarka degmada Laascaanood Cabdicasiis Xuseen Taarwale, ayaa sheegay in kulankaas dib loogu qiimaynaayo arrimhii ka qabsoomay qorshihii horumarineed ee wasaaradda qorshayntu ugu talo hashay gobolka Sool.