Kulamo Gooni Gooni Ah oo Lagu Midaynayo  Garabka Toosinta Xisbiga Wadani oo Ka Socda Hargaysa Iyo Xogaha Ku Gedaaman

Hargaysa – (warsoor) – Dhowaan Ayay Markii Magaalada hargaysa Lagaga Dhawaaqay Garab Cusub oo la Magac baxay Garabka toosinta Xisbiga Mucaaridka Ah ee Wadani ayaa Waxaa Isasoo taraya Xubno Miisaan Leh oo Ka  mid noqonaya Isla Markaana  kusoo biiraya garabkaasi oo ku soo beegmay Xili Magaalada Hargaysa Gaar ahaana Hotelka Maansoor uu si rasmi ah uga Furmay Shirweynihii koowaad ee uu yeesho Xisbigaasi.

wadani-300x122

Bilowga Shirweynaha Xisbigaasi Ayaa La Kowsaday Dildilaac Horleh oo Ku Bilaabmay Aasaasayaashii Xisbigaasi kuwaasi oo Ahaa Xubnihii Geed Gaaban iyo Mid dheerba u Fuulay Siduu Xisbiga Wadani Ugu Soo Bixi Lahaa Tartankii Kala reebista ururada Siyaasada ee Sanadkii 2012.

Xubnahan Waxaa Masiirkooda Awoodeed ee Ay ku Dhex Lahaayeen Xisbigooda Meesha Ka Saaray Isla Markaana Hal Bacaad Lagu Lisay ka Dhigay 11 Xubnood oo loo Bixiyay Musdanbeedka Xisbiga Wadani Kana Kooban Salaadiin,Wasiiro Hore iyo Siyaasiyiin Kasoo Jeeda Beesha Gudoomiyaha Xisbiga Wadani Mud Cabdiraxmaan Cirro Taasina Waxaa Ay Keentay In Masuuliyiin Badani Ka Dareeraan Xisbiga Ay Tacabka Soo Geliyeen Maadaama Reer Ka Xigsaday Sida La Sheegay Halgankii Ay lasoo MAreen Wadani oo ahayd  ka dhigista Xisbi Mucaarid Oo Ka mid noqda sadexda Xisbi Qaran ee Dalku Leeyahay.

Xubnahan La Magac Baxay Garabka Toosinta Xisbiga Wadani oo Ay Ka mid Yihiin Xoghayihii Arimaha Bulshada Ee Xisbiga Wadani Marwo Hinda Jaamac Xirsi Gaani,Gudoomiyihii Xisbiga Wadani ee Dalka Ustareeliya Cabdilaahi Axmed Cali Yare,Siyaasi Cali Xasan Cismaan(Cali Kubad)Gudoomiye Xigeenkii 2aad ee Xisbiga Wadani Xildhibaan Faarax Cabdule(Faarax Dheere)Xoghayaha Golaha Wakiilada Somaliland Cabdirisaaq Siciid Ayaanle,Agaasimihii Hore ee Wasaarada Dibudejinta Axmed Cilmi Yare.

Hadaba Kulamo kala duwan oo lagu Midaynayo Xubnahan Oo u Ekaa Qaar Kala Socda oo aan isla Haysan isla markaana Jaanta Weli Isla Helin Ayaa ka dhacay Gudaha Magaalada Hargaysa gaar ahaana Hotelka Like Assal iyo Nile Hotel.

Wararka aan Helayno ayaa Xaqiijinaya In Kulamadaasi uu Soo Agaasimay Siyaasi Cilmi Jaamac Indhadeero Kaasi oo Muwaafaqo Midaysan oo Meel loo Wada Jeedo u raadinayay Xubnahani oo la sheegay inay Ka badan yihiin Intaan soo Sheegnay Waxaana Wararku sheegayaan inay Aqbaleen Kulankaasi lagu Midaynayo Isla Markaana Halkaasi lagu Gaadhay Is Afgarad Wanaagsan Balse Waxaa Iyagu Xisbigooda ku Adkaystay Badhasaabkii Hore ee Gobolka Saraar Saleban Ducaale Xaaji jaamac.

Dhanka Kale Waaxa Loo Balansan yahay Kulamo Baaladhan oo LAgu Dardargelinayo  Garabkaasi  Toosinta ee Wadani Kaasi oo ka dhici doona Magaalada Hargaysa.

Si Kastaba Ha ahaatee Waxaa Filayaa Maalmaha Soo socda in Xubnahani Ay kusoo Biiri Doonaan Siyaasiyiin Miisaan Leh oo La Sheegayo inay Ooda Soo Jebin Doonaan Maalinta Sabtida oo U Danbaysa Shirweynaha Xisbiga Wadani kuwaasi oo uu hogaaminayo Axmed Muumin Seed.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.