Koonfurta iyo Badhtamaha Soomaaliya oo Khadka Internet Laga Jaray

Muqdisho – (warsoor) – Wararka ka imanaya Soomaaliya ayaa sheegay in khadka internetka laga jaray dalkaasi sida uu warbaahinta xaqiijiyey Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

War-murtiyeed uu soo saaray Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayuu ku sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay ku lug laheyd xidhitaanka adeegga Internet-ka ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu ka dalbaday shirkadaha bixiya adeegga Internet-ka inay cadeyn ka bixiyaan cilada ku timid khadka Internet-ka oo maqnaa in ka badan 24 saac.

Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir ayaa sidoo kale intaasi ku daray in bulshada Soomaaliyeed ay xaq u leedahay inay xog ka hesho arrintaasi.

“Waxay ilo Xog-ogaal ah nala wadaageen in dowladdu ku lug lahayd xiritaankii adeegga Internet-ka. Waa in shirkadaha bixiya adeegga Internet-ka ay caddeyn ka bixiyaan cidda iska leh masuuliyadda hawo ka saarista adeegga Internet-ka. Bulshadu waxay xaq u leedahay in ay xog sax ah hesho.” ayuu qoraalka uu soo saaray ku yidhi Cabdiraxmaan Cabdishakhuur .

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo oo ay dowladda Soomaaliya faah faahin ka bixisay go’itaankii khadka Internet-ka, islamarkaana shaacisay in uusan go’in xarigga Internet-ka, balse uu soo gaaray dhaawac, kaas oo haatan loo xalliyay si kumeel gaar ah.

Si kastaba ha’ahaatee adeegga go’ay ee Internet-ka ayaa ku soo aaday, maalin kadib markii la riday Khayre, taas oo shaki badan ku dhalisay dadka Soomaaliyeed.