Koomishanka doorashooyinka Oo Dib u Furay Dawaangalinta Codbixiyeyaasha

HARGEYSA – (WARSOOR) – Koomishanka doorashooyinka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay diiwaan gelinta codbixiyeyaasha doorashooyinka Somaliland.

Munaasibadii  dib loogu furayey diiwaan gelinta codbixiyeyaasha doorashooyinka Somaliland oo lagu qabtay Huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa, ayaa waxa ka qayb galay xubnaha Koomishanka doorashooyinka qaranka, Hoggaamiyeyaasha Xisbiyada, Xukuumadda iyo ururrada bulshada, taliyaasha Ciidamadda Qaranka iyo Booliska.

Diiwaan gelinta ayaa ujeeddadeedu tahay sidii ay isu diiwaan gelin lahaayeen dadkii aan hore isu diiwaan gelin, kuwa imika gaadhay wakhtigii ay qaadan lahaayeen kaadhadhka diiwaan gelinta iyo kuwa Kaadhadhku ka lumeen amma laba jeer wax ka badan is diiwaan geliyey ee kaadhku ka xumaaday.

Wejiga 1aad ee dib u furista diiwaangelintuna wuxuu 29ka Nov. 2020 ka bilaabmayaa guud ahaan Gobolka Awdal, degmada Sallaxley, degmada Balligubadle iyo degmada Gabiley.