Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland oo Digniin Soo Saaray

Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland ayaa soo saaray digniin ku aadan dadka baahinaya wararka natiijooyinka hordhaca ah ee doorashada Somaliland.

Qoraal rasmi ah loo lagu baahiyey shabakada komishanku ku leeyahay barta facebook-ga ayaa lagu sheegay sidan.

“KDS waxa uu ka digayaa in cid aan ahayn Mas’uuliyiinta Komishanka ee heer Degmo, Gobol iyo Qaran aannay isku dayin Sheegista Natiijooyin aan sugnayn.

Sida Xeerka Doorashadu dhigaayo Natiijooyinka waxaa loogu dhawaaqayaa heer degmo, gobol iyo qaran kuwaasoo intoodaba ku-dhawaaqistooda uu gaar u leeyahay Komishanku, cid kastoo aan Komishanka ahaynina aaannay xaq u lahayn arrimahaas. Cidii isku dayda aarimahaasi waxay galaysaa xad-gudub sharci waxaana laga qaadi doonaa Tallaabo sharciga waafaqsan. Si gaar ah waxaa Digniintan loogu socodsiinayaa Mas’uuliyiinta Dawladda & Axsaabta Qaranku inay arrimo la xidhiidha sheegista natiijooyin aan KDQ kasoo bixin isku dayaan.

Ugu dambayntii KDQ waxa uu Dadweynaha sharafta badan ee JSL ugu baaqayaa dhammaystirka guushii iyo galladii ay ku hirgaliyeen Codbixintii Doorashada Isku-sidkan ee Golayaasha Wakiiladda & Deegaanka JSL.”