Komiishanka Doorashooyinka & 3-da Xisbi oo isla qaatay in 9 Bilood Gudahood lagu qabto doorashooyinka Wakiilladda Iyo Deegaanka

Hargaysa – (WARSOOR) Komiishanka Doorashooyinka Qaranka iyo Hogaanka Sadexdda Xisbi qaran ayaa Maanta isku raacay in mudo 9 Bilood gudahood ah lagu qabto doorashooyinka Isku sidkan ee Wakiiladda iyo Deegaanka.

Kulan ay wada yeesheen Komiishanka Doorashooyinka qaranka oo ay goob Joog ka ahaayeen Gudoomiyeyaasha Xisbiyadda Ucid, Waddani Iyo Gudoomiye ku xigeenka 2aad ee Xisbiga Kulmiye ayaa Guddida Doorashooyinka qaranku ku sheegeen inay soo saareen Jadwalkii Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha iyo doorashooyinka isku sidkan ee Golayaasha Wakiilladda iyo Deegaanka .

Halkan Hoose ka akhri Nuxurka War-saxaafadeedka Komiishanka Doorashooyinka Qaranku soo saareen.