Khasaare Ka Dhashay Dab Ka Kacay Dhisme oo ku Yaala Istaanbuul

ISTANBUL – (WARSOOR) – Ugu yaraan 29 qof ayaa ku dhintay hal qofna wuu ku dhaawacmay dab ka kacay dhismo ka kooban 16 dabaq oo ku yaalla degmada Beşiktaş magaalada istanbul ee dalka Turkiga.

Sida u sheegay Gudoomiyaha istanbul Dabka oo aan la ogeyn waxa sababay ayaa ka kacay dhismo lagu caweeyo, Ciidanka dab-damiska, kooxaha caafimaadka iyo booliiska ayaa soo gaadhay goobta iyaga dadaal badan sameeyay .

Gudoomiyaha istanbul ayaa sheegay in la bilaabay baadhitaan la xidhiidha dabka, Sideed qof ayaa loo xidhay dhacdadan.

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa ka warqaba masiibada dhacday, ka dib markii uu taleefoon kula hadlay wasiirka arrimaha gudaha Ali Yerlikaya.

Shiine Cilmi kaahin β€” istanbul