Jubbaland oo xubno ka tirsanaa Al-Shabaab Hawl-gal Ku Dishay

Jubbaland – (WARSOOR) – Maamul goboleedka Jubbaland ayaa hawl-galo ka dhan ah oo ay ka filasya gobolka Jubbada Hoose ku khaarajisay xubno ka tirsan xarakadda Al-shabaab oo deegaanadaasi ka hawl-gali jiray.

Afhayeenka wasaaradda amniga ee dowlad goboleedka Jubbaland, Cabdinuur ayaa sheegay in howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan laga fuliyey deegaanada Cabdalla Biroole, Yaaq Bishaaro iyo tuulooyin hoostaga degmada Jamaame.

Sidoo kale wuxuu xaqiijiyey in howlgalladaasi lagu dilay ugu yaraan illaa afar xubnood oo ka tirsanaa dagaalyahannada kooxda Al-Shabaab oo ku xoogan halkaasi.

Afhaayeenka ayaa intaasi ku daray in howlgalladaan sidoo kale ay kula soo wareegeen saanad milatari, sida uu hadalka u dhigay.

Ugu dambeyn wuxuu carabka ku dhuftay in dhaq dhaqaaqyada ay wadaan ciidamada huwanta ay sii socon doonaan inta laga adkaanayo Al-Shabaab.

Hadalkaan ayaa ku soo aadayaa iyadoo muddooyinkii dambe sare loo qaaday howlgallada iyo duqeymaha ka dhanka ah ee Al-Shabaab ee koonfurta Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.