Israel iyo Xamaas oo ku heshiiyey qodobo dhowr ah

GAZA — (WARSOOR) – Dowladda Israa’iil iyo Xamaas ayaa Arbacadii ku heshiiyey in afar maalmood la hakiyo dagaalka, si loo oggolaado in lasii daayo 50 la haystayaal ah oo lagu haysto Gaza, taas oo lagu bedelanayo 150 Falastiiniyiin ah oo ku xiran Israa’iil, iyo gelitaanka gargaarka bini’aadantinimo ee dhulka go’doonsan.

Saraakiil ka tirsan Qatar oo dhexdhexaadinaysay wadaxaajoodyo qarsoodi ah, iyo sidoo kale Maraykanka, Israa’iil iyo Xamaas ayaa maalmo sheegayay inuu heshiisku dhow yahay.

Xamaas ayaa la rumeysan yahay inay gacanta ku hayso in ka badan 200 oo laheysteyaal ah, kuwaas oo la qafaashay markii dagaalyahannadooda ay gudaha u galeen Israa’iil 7-dii Oktoobar, halkaas oo ay ku dileen 1,200 oo qof, sida ay muujinayso tirada Israa’iil.

Bayaan kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa lagu sheegay in 50 haween iyo carruur ah lasii dayn doono muddo afar maalmood ah, muddadaas oo ay joogsan doonaan dagaallada Gaza.

Bayaanka Netanyahu ayaa intaas ku daray in 10-kii qof ee dheeraadka ah ee la sii daayo, xabbad-joojinta lagu kordhin doono maalin kale, iyadoo aan la soo hadal qaadin sii deynta maxaabiista Falastiiniyiinta.

“Dowladda Israa’iil waxaa ka go’an in dhammaan la haystayaasha ay ku celiso dalkooda. Caawa, waxay oggolaatay heshiiska lasoo jeediyay oo ah marxaladdii ugu horreysay ee lagu gaari lahaa hadafkan,” ayaa lagu yiri bayaanka, oo la sii daayay saacado badan oo doodo ah oo saxaafadda laga xiray.

Heshiiska ayaa ah xabbad joojintii ugu horreysay ee duqeymaha Israa’iil ay ku burburisay qeybo badan oo ka mid ah dhulka ay Xamaas maamusho ee Gaza, oo ay ku dhinteen 13,300 oo rayid ah deegaanka aadka u yar ee dadku ku badan yahay iyo in qiyaastii saddex-meelood labo meel 2.3 milyan oo qof ay ku guryo beeleen, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Gaza.