ISAAQOW WAXA LA SOO GAADHAY WAKHTIGII AYNU SAMIXILAHEYN WALAALHEYNA REER SOOMAALIYA EE AYNU GODOBTA U HAYNO!!!.

Marka hore waxaan halkan ka tacsiyadeynaa,anigoo ad ugu murugeysan Falkii argagaxisnimo ee dadka badani ku hoobteyn ee todobaadii hore ka dhacay Magaalada Muqdisho,waxana Alleh ka baryaya inuu intii ku geeriyootay uu Alleh ugu deeqo Jannadiisa Qaaliga ah,inta ku dhaawacantayna  si fayow ugu kiciyo.Sidoo kale waxaan ugu mahadcelinaya intii ka qayb qadatay Gurmadkii Gargaarkii Takuleyntii dadkii ay Masiibadu ku habsatay.

Waxa se Maskaxdeyda ka weynaatay in lala xisaabtami waayo madaxdii loo igmadey in ay Danta guud ee Bulshadii ku dooratay ay gudan waayan,waxese taasi igala sii murugo badan, kuwaasi madax-ku sheega ahi waxa  ay ka doorbidaan gudashada wajibaadkoodii muqadaska ahaa ee aslixinta Nabadgalyada inay Bushashadii dhibtaasi mudatay ay isasa soo hor-istaagan TV-yada iyo War-baahanta iyagoo KHURAAFAAD   & MUNAAFAQNIMO  KU MAAWELINAAYA  ee ay waliba  taasi ugu hirgaleyso DADKII AY KA DHASHEYN IYO CAALAMKABA ee ay waliba ku ladayaan, kuna baxsanayan tala-xumadooda.Waxaad igu waafiqdoontaan in ay Istaahilan waxii lagu sameyn jiray kuwa  in la mariyo kuwii midka ahaa ee horey u soo maray Adduunkan.Sida ayse aniga illa tahay,ee aqoon u leeyhay Dadweynaha Reer Soomaliya inta Hogaamisa MA RABAAN DAWLADNIMO BADANKOODU, waxayna ka doorbidayan in Mid kasta oo iyaga ka mid ahi UU SI GAAR AH U YEESHO DAKAD,GEGO,DIYAARADEED,BEERO WABIYADA KU YAALA OO AYSAN LAHEYN oo ay ka soo dajiyaan HUBKA,MUKHAADARAADKA,DHUXUSHA,UGAADHA Iwm.

Haddaba,Sida ay iiga barteen Akhristayasheydu 20kii Sanno ee u danbeeyay ee ah an marka la soo gadho 21ka Oktoobar Sananad walaba in an u soo gudbiyo Taariikh ku lug leh Aqoontayda & Waayo’aragnimadeyda inta ay doontaba ha le’ekaatee,, maalintaasi oo ah maalintii Siyaad Bare Xukunkii Dawladii Soomaliya ku qabsadey Iqilaabkii malitariga isaga iyo kooxdii uu

hogaaminaayay.

Haddaba,waxaan maanta idiin soo gudbinaya maqaal ka duwan kuwaasi oo ku wajahan BEESHA ISAAQA EE SOMALILAND oo ah codsi gaar ah, oo ah IN AY SAMAXAAN WALAHOODA SOOMAALIYA EE GODOBTA KA GALAY!  Aniga oo cuskanaaya qodabadan:-

Markaan Garawsadey Xaqiiqada ah:-In Soomaali badankeedu iyo wax –garadkeedu ka dharagsan tahay,kana xuntahay DAGAALKII SOOMAALI ISKU GAASHAN BUUREYSATEY EE AHAA IN LA XASUUQO QABIILKA ISAAQA ee ka dhiidhiyay Tacdigii iyo ku tumashadii xuquuqdooda,sidoo kalena dhamaan Dawladahii,Ururadii barbartaagna la dagaalanka ISAAQA ee ahaa CARAB,GAALO,Yahuudba ay farta dhexda ka qaniineyn garashadoodii aheyd barbar-istaagii Siyaad Bare.

Marka aan garawsado xaqiiqada ah:- In ay tahay waxa ku dhacaaya Soomaalida Soomaaliya Cuqubadii ay ka geysteyn  Beeshan Isaaq ee deggan S/Land oo ay BAD & IYO BARIBA maalinta walba HOOG kala Go’o la hayan ku gadaaman yahay.

 

In Beesha Isaaq ee an ka mid ahay ay SAAMAXDO DHAGARTII AY KA MUTEYSTEN REERSOOMAALIYA,una duceeyaan  si daacadnimo ku jirto in Alleh intaasi ugu joojiyo dhibka iyo Ololka haysta.Waa sida ay ila tahaye haddi ISAAQ ku sii adkeysto, waxan aminsanahay inay ka baxayeen Xuduudkii Alleh ee ahaa Isasa-saamaxada,Dhulka iska naxariista Cirka ha la idiinka naxariistee.Aniguna ahay ka ugu horeeya ee arrinta sideeda u fulinaaya.

Qalinkii:  Haldoor Rashiid Sulub Caalin 

Tel:0634426781  Email:sulub2007@yahoo.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.