Muqdisho – (warsoor) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Max’ed C/llaahi Farmaajo ayaa amaray howlgal lagu dilay 7 kamid ah maleeshiyada Al-shababa oo ka dhacay degmada Jilib ee gobolka Jubada Dhexe.
Howlgalkaasi ayaa waxaa si wada jir ah u fuliyay ciidamada Ammaanka Soomaaliya oo gacan ka helaya saaxiibada caalamiga.
Dadka lagu dilay howlgalkaasi ayaa waxaa kamid ahaa horjooge sare oo maleeshiyaadka Shabaab u qaabilsanaa abaabulka qaraxyada ka dhaca magaalada Muqdisho.
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay ka go’antahay sidii loo ciribtiri lahaa maleeshiyaadka Argagixisada Al-shabaab, kuwaasi oo dhibaatooyin ku haya bulshada Soomaaliyeed.
Xigasho: Sonnna
This post is also available in:
Somali