Hoggaamiyaha TPLF Oo Baaq Diray

Itoobiya – (warsoor) – Hoggaamiyaha TPLF, Debretsion Gebremichael, ayaa sheegay in nabadda aysan si buuxda ugu soo laaban doonin gobolka Tigrey ilaa ciidamada Eritrea iyo maleeshiyaadka Amxaarada ay gobolkaasi ka baxayaan.Waxa uu sheegay in aan la aqbali karin in kala bar gobolka Tigray uu nabad ahaado, iyadoo uu ka dhinac kale “xasuuq” uu ka socdo. Waxa uu hadalkan jeediyay xilli ergo sare oo ka socotay dowladda ay markii ugu horreysay booqanayeen gobolka tan iyo intii uu dagaalka bilaabmay labo sano ka hor.