Hogaanka Waddani oo Kulan la yeeshay Guddida Fulinta Iyo Xoghayeyaasha Xisbiga

HARGEYSA – (WARSOOR) – Shirka Guddida Fulinta Iyo Xoghayeyaasha Oo Maanta ka qabsoomay Xarunta Dhexe Ee Xisbiga.

Waxaa saaka Xarunta Guud ee Xisbiga WADDANI ka qabsoomay Shirkii billaha ahaa ee Guddida Fulinta iyo Xog-hayayaasha Xisbiga oo uu shir-guddoominayey Guddoomiyaha Xisbiga Mudane Cabdiraxmaan Cirro.

Shirka waxaa warbixinno lagaga dhageystay Guddida Kala saarista iyo soo xulista Musharrixiinta Xisbiga WADDANI, Guddida taskforce-ka ee KDQ qaabilsan, sida oo kale-na waxaa dood, falanqeyn iyo wada-tashi laga yeeshay xaaladda guud ee dalka.