Hindiya oo doonaysa in ay noqoto dalkii 4-aad ee Dayaxa gaadha

HINDIYA – (WARSOOR) – Hindi ah ayaa jimcihii hawada sare ugu dirtay Dayax gacmeed ama Gantaal kaas oo la filayo inuu ku dego meel aan la sahaminin oo dayax ka mid ah. Tallaabadan oo ay Hindiya hore u qaaday afar sanno ka hor ayaan lagu guulaysan, waxaanay hadda doonaysaa in ay noqoto dalkii ugu horeeyey ee Cidhifka koonfureed ah ee Dayax ku dega.

Dayax gacmeedkan Chandrayaan-3 oo ka kooban qaybtii degista iyo qaybtii wareegaysa ayaa la ganay 14:35 Jimcihii (09:05 GMT) waxaana laga ganay xarunta hawada sare ee Sriharikota oo ku taal Koonfurta Hindiya.

Waxa lagu wadaa inuu gaadho dayaxa 23-24 Agoosto.

Haddii ay ku guulaysato, Hindiya waxa ay noqon doontaa waddankii afraad ee ku guulaysta ku degista dayaxa, waxa ka horeeyey Maraykanka, Midowgii Soofiyeeti iyo Shiinaha.

Haddii Ururka Cilmi-baadhista hawada sare ee Hindiya, oo loo soo gaabiyo ISRO, uu ku guuleysto wakhtigan, kormeerayaasha qaar ayaa sheegaya in howlgalka uu dhisi doono booska Hindiya ee awoodaha hawada sare ee adduunka.

Malaayiin qof oo ku nool dalka ayaa si toos ah u daawanayey taleefishinka markii la dirayey “Chandrayaan-3” oo laga soo diray Sriharikota ee koonfurta Hindiya kumanaan kun ayaa soo buux dhaafiyay goob lagu daawado oo ku taal agagaarka goobta laga duuliyay.

“Hambalyo Hindiya. Chandrayaan-3 waxay bilawday safarkeeda dhanka dayaxa,” Gudoomiyaha ISRO Sreedhara Panicker Somanath ayaa yidhi, ka dib markii la soo bandhigay, waxaana la arkayey saynisyahano jooga xarunta kontoroolka howlgalka oo sacab tumayaisla markaana is gacan qaaday.

Tijaabada dhabta ah ee hawlgalka ayaa iman doonta 40 maalmood ka dib marka qaybta ugu danbaysa ee dayax gacmeedka ugu weyni ay ku dagto dusha dayaxa bisha Agoosto 23 ama Agoosto 24.

“Hawlgalkan cajiibka ah wuxuu xanbaari doonaa rajada iyo riyooyinka qarankeena,” Raiisel wasaare Narendra Modi, oo booqanaya Faransiiska, ayaa bartiisa twitterka soo dhigay.

Daah-furka jimcaha ee ISRO waa hawl-galkii ugu horreeyay ee hawada sare ee dalkaa tan iyo isku daygii dhicisoobay ee 2019 markaas oo saynisyahannadu ay lumiyeen xidhiidhkii dhulka daqiiqado ka hor inta aan la qorsheynin in ay ku soo degto oogada dayaxa. Markii dambe ayaa la ogaaday inay burburtay.

Saynis yahanada ISRO ayaa rajo ka muujiyay in Chandrayaan-3 ay ku guulaysato hadafkeeda ah “ku degis guul leh”, iyaga oo sheegay in la saxay khaladaadkii keenay fashilinta howlgalkii hore.

Hawlgalka Chandrayaan-3 ayaa muhiim u ah Hindiya – inkasta oo barnaamijkeeda hawada sare uu aad danbeeyo waddamada sida Maraykanka iyo Shiinaha, waddanku wuxuu doonayaa inuu soo bandhigo awooddiisa tignoolajiyada iyada oo uu ku jiro hammigiisa ah in loo arko awood caalami ah oo soo baxaysa.

Khubarada ayaa sidoo kale sheegay in qiimaha howlgalka Hindiya ee hadda socda oo ah 75 milyan oo doolar, wuxuuna hoosta ka xariiqay in awoodda Hindiya ee sahminta hawada sare ay ku bixineyso kharash yar.

Sahminta dayaxa ayaa dib loogu soo baraarugay sanadihii ugu dambeeyay. Hay’adda hawada sare ee Maraykanka ee NASA ayaa ku dhawaaqday in shaqaale cirbixiyeen ah oo ka kooban afar xubnood ay sanadka soo socda samayn doonaan hawlgal tijaabo ah oo la qorsheeyay in lagu sameeyo dayaxa. Intaa waxaa dheer, Hindiya iyo Maraykanku waxay iska kaashanayaan sidii cirbixiyeen Hindi ah loogu diri lahaa Saldhigga Hawada Caalamiga ah sanadka soo socda.