Hay’adda UNOCHA oo qiimeyneysa qasaaraha duufaanta GATI ee ku dhufatay Puntland

Boosaaso – (warsoor) – Saameynta duufaantii GATI ee ku dhufatay xeebaha Soomaaliya dabayaaqadii bishii November ayaa ka jirta wali qeybo ka mid Puntland.

Hey’adda UNOCHA ee qaramada midoobay ayaa sheegtay in qiimeynta la sameeyay ay muujineyso in dad ka badan 120,000 oo qof ay saameysay duufaanta gaar ahaan magaalooyinka Boosaaso, Xaafuun, isku shuban, Hurdiya iyo Gumbax.

42,000, ayaa guryahooda si ku meel gaar ah uga baxay kadib markii ay biyo galeen halka kuwa kale duufaantu saqafka ka qaaday.

50% dadka sal kacay waxay u baahan yihiin gergaar deg deg ah oo isugu jira hoy, cunto iyo daryeel caafimaad.

Maamulka Puntland iyo hey’addaha samafalka ayaa wada dadaal lagu taageerayo dadka duufaanta waxyeelada ugu badan gaarsiisay.

26 fasal oo ardayda ay wax ku baraneysay ayaa duufaantu burburay, waxaana ay arrintan saameysay ilaa 700 oo arday .