Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Oo Tababbar U Soo Gabogabaysay Xubno Ka Tirsan Waaxyaha Cududda Shaqaalaha Wasaaradaha

HARGEYSA – (WARSOOR) – Guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa tababbar u soo xidhay hawl wadeenno ka socday waaxyaha cududda shaqaalaha Ee wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda.

Guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda Somaliland Farxaan Aadan Haybe, ayaa tababbar muddo laba maalmood ah socday u soo gabogabeeyey hawl wadeeno ka kala cosday waaxyaha cududda shaqaalaha ee wasaaradaha iyo hay’adaha madaxa bannaan, wuxuuna guddoomiyuhu tilmaamay muhiimaddda uu tababbarkaasi u leeyahay shaqaalaha wasaradaha iyo hay’adaha kale, isaga oo kula dardaarmay ka qayb qaatayaasha tababbarkaasi in ay shaqooyinkooda ku dabaqaan aqoontii ay halkaas ku barteen.

Geesta kale, waxa uu guddoomiye Farxaan Aadan Haybe, xusay in ay heshiiyo la galeen hay’addo caalami ah si ay kor ugu qaadaan tayada iyo aqoonta shaqaalaha dawladda.Waxa kale, oo halkaas ka hadlay guddoomiye ku xigeenka machadka shaqaalaha dawladda Mustafe Axmed Maxamuud, oo sheegay in uu machadka shaqaaluhu door laxaad leh ka qaato tayeynta, tababbarida iyo kor u qaadida aqoonta shaqaalaha dawladda.

Waxa kale, oo iyana halkaas ka hadlay masuuliyiin ka qayb galay xidhitaanka tababbarkaas oo tilmaamay muhiimadda ballaadhan ee uu tababbarkaasi u leeyahay shaqaalaha dawladda guud ahaan, gaar ahaana waaxyaha cududda shaqaalaha.

Gabogabadii waxaa halkaas shahaadooyin lagu gudoon siiyey xubnihii tababbarkaas qaatay iyo xubno kale oo iyaguna muddo saddex bilood ah qaadanayey tababbar la xidhiidha maamulka cududda shaqaalaha.