Hay’adda Shaqaalaha Dawladda JSL Oo Sheegtay In Maalmaha Ciida Ay Shaqaaluhu Fasax Yihiin

Hargeysa – (warsoor) – Guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda Somaliland ayaa sheegay in shaqaalaha dawladdu ay shaqooyinka fasax ka noqon doonaan maalmaha Sabtida iyo Axada munaasibada Ciidal Adxada awgeed, iyadoo shaqooyinka ay ku soo noqon doonaan maalinta Isniinta.

War qoraal ah ka soo baxay xafiika guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawlada Somaliland Farxaan Aadan Haybe waxa masuuliyiinta dawladda iyo shaqaalahaba lagu wargeliyay inay shaqooyinka fasax ka noqon doonaan maalmaha Sabtida iyo Axada, maadaama oo ay ciidu ku beegan tahay maalinta Jimcaha ah, taas oo ay shaqaalaha dawladdu fasax ahaan jireen.

Wareegtadaas ka soo baxday xafiiska guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda Somaliland waxa lagu xusay in shaqaalaha dawladdu ay shaqooyinka dib ugu soo noqon doonaan maalinta Isniinta ah ee ay taariikhdu tahay 3/8/2020.

Ugu dambayn guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda Somaliland Farxaan Aadan Haybe wuxuu hambalyo iyo bogadin u diray dhammaan shaqaalaha dawladda iyo qoysaskooda, waxaanu u rajeeyay in ciidan ciideeda ay ku gaadhaan caafimaad-qab iyo horumar.