Hay’adda shaqaalaha dawlada oo maanta si rasmi ah u shaacisay diyaarinta Mashruucii ugu cuslaa ee madax tirinta shaqaalaha dawladda

Hargeysa – (warsoor) – Kulan maanta ka qabsoomay xarunta hay’adda shaqaalaha dawladda ee caasimada Hargeysa ayaa waxaa ka soo qayb-galay maamulka iyo madaxda hay’adda shaqaalaha dawladda iyo sidoo kale khubaro caalami ah

Kulankan oo muhiimadiisu ahayd shaacinta bilowga madax tirinta shaqaalaha dawladda JSL ayaa waxaa hadalo ka jeediyey Gudoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda Mudane Sharmaake Axmed Muxumed Geelle isagoona xusay in ay maanta soo gabo-gabeeyeen dhamaan wixii looga baahnaa in la sameeyo madax taabashada shaqaalaha dawlada oo siduu sheegay sal u ah ogaanshiyaha  heerka cilmiga, baahida iyo xogta rasmiga ah ee shaqaalaha dawlada JSL isagoo sidoo kale xusay in ay maanta dhamaad u tahay caagle iyo caajis walba oo ku dhex jiray shaqaalaha dawladda.

Gudoomiye Sharmaake ayaa sidoo kale madasha uga bushaareeyey dhalinyarada shaqo-doonka ah ee ka soo qalin-jabiyey jaamacada dalka in ay tallaabadani albaabka u furi doonto in ay helaan fursado shaqo oo ay qarankooda ugu adeegaan maadama tiro badan meesha ka bixi doonto.

Gudoomiye Sharmaake Geelle ayaa sidoo kale iftiimiyey in  aan  talaabadan looga dan lahayn oo keliya  cidhib tirka caaglaha balse sidoo kale xusay in lagu soo ogaan doono baahiyaha gaarka ah ee shaqaalaha dawlada sidoo kalena lagu darsi doono habka iyo hannaanka ugu haboon ee wax loogu qaban karo iyo siyaasadaha lagu dhaqi karo  iyada oo xaalad-ogaanshiyahani jidka u xaadhi doono in la gufeeyo god-daloolooyinka shaqaalaha haysta

Hay’adda shaqaalaha dawladda  oo goobta ku soo bandhigtay qalab iyo gaadiid tiro badan ayaa tallaabadani noqon doontaa mid dhaxal iyo dhito u noqon doonta guud ahaanba hay’adda shaqaalaha iyo qarankaba guud ahaan.

Madaxa mashruuca dib u habaynta shaqaalaha dawlada Cabdi Aadan iyo khubarada arintan kala shaqayn doona oo iyaguna madasha ka hadlay ayaa xusay sida ay aad ugu faraxsan yihiin in dedaalkii mudada badan soo socday maanta dhamaad ku dhaw yahay

Ugu dambayn gudoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda ayaa si rasmi ah u saxeexay bilowga shaqadaa baaxada weyn isagoona soo dhaweeyey una mahadnaqay cid walba oo diyaarintan gacan ku lahayd si gaar ahna u soo dhaweeyey khubarada ka caawin doonta qabashada shaqadan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.