Hargeysa Xaafado lacag la,aan lagaga bedelay Qasabadihii guryaha

HARGEYSA – (WARSOOR) – Shaqaalaha wakaalada biyaha ee hargeysa ayaa adeegyo bilaash ah ka fuliyey xaafada qudhac-dheer ee degmadda Maxamuud Haybe.

Dad weynaha xaafadaasi ayaa maareeyaha wakaalada biyaha uga mahad celiyey adeegaasi iyagoo sheegay in ay heleen biyo iyo adeeg ku filan oo lacag la,aan ah.

Shacabka ayaa Maareeyaha ku bogaadiyey wax-qabadka iyo biyo balaadhinta ka socota caasimadda waxaanay sheegeen in sidii Maxamed Mooge loo bixin doono Magiciisa mid ka mid ah xaafada hargeysa.