Gudoomiyaha Maxkamadda Sare oo Kulan la qaatay Dublamaasiyiin ka Socday Dalalka Midowga Yurub

HARGEYSA – (WARSOOR) – Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna guddoomiyaha guddida cadaaladda Jamhuuriyadda Somaliland garyaqaan Aadam Xaaji Cali Axmed, ayaa maanta kulan xog-waraysi ah la yeeshay safiiro, dublomaasiyiin iyo saraakiil sare oo ka socday, dalalka midowga Yurub, kuwaasi oo uu hoggaaminayay Safiirka Midowga Yurub Amb Nicolas Berlanga.

Kulanka ayaa lagu lafa-guray geedi-socodka doorashada isku lammaan ee dalka beri ka dhacaysa, diyaar garowga hay’adda garsoorka jamhuuriyadda Somaliland ku jirto iyo doorka ay ku leedahay soo af-jarida cabashooyinka iyo dacwadaha soo gaadha.

Ugu horayn waftiga oo ka koobnaa 25 xubnood oo ka kala socday dalalka Denmark, Sweden, Germany, Britain iyo Ururka Midowga Yurub, ayaa hay’adda garsoorka dalka ku amaanay kaalinta firfircoon ee ay kaga jiraan hawlaha qaranka, gaar ahaan arrinta doorashada ee hadda taagan. Waxaanay ka waraysteen diyaar garowga hay’adda garsoorku ugu jirto arrimaha taagan iyo sida ay u xalinayso haddii ay cabashooyin ama dacwado soo gaadhaan.

Guddoomiyuhu waxa uu sharaxaad ka siiyay waftiga nidaamka la raacayo haddii ay cabashooyin yimaadaan iyo ahmiyada uu leeyahay xeerka doorashadu, waxaanu hoosta ka xariiqay in dhawaan tababar iyo aqoon is waydaarsi loo qabtay guddoomiyayaal, garsoorayaal, Xeeri-ilaaliyaal iyo hawl-wadeeno kale oo ka kala yimid dhammaan gobolada dalka si looga taxadaro culays kasta oo ay keeni karto doorashadu.

Ugu danbayna waxa uu la wadaagay waftiga in diyaar garow fiican hay’adda garsoorku ka samaysay arrimaha taagan, kalsooni badana ay ku qabaan dhinacyada ku loolamaya doorashadu, isagoo xusay in shirar xogwaraysi,  oo  is-daba-joog ah ay ugu yimaadeen daneeyayaasha doorashooyinka ee ay ka mid yihiin guddida doorashooyinka, guddida anshaxa iyo xalinta khilaafaadke ee KDQ, Ururada Saxaafada, Ururada bulshada iyo qaar ka mid ah Korjoogayaasha caalamiga ah, kuwaasi oo dhammaantood lagu xoojinayo hufnaanta doorashada.