Gudoomiyaha Ahna Murashaxa Madaxweyne Ee UCID Iyo Aqoonyahanka Reer Borama Oo Jilbaha Is Dhigay

Borama – (warsoor) – Gudoomiyaha Ahna Murashaxa Madaxweyne Ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe iyo aqoonyahanka Reer Borama ayaa Habeenkii Xalay Ahaa Hoolka wayn Ee Saw Hotel Jilbaha is dhigay, waxaana uu halkaasi uu Gudoomiyuhu uga jeediyay Khudbad ku saabsanayd Taarikhdii Siyaasadeed Ee Somalialnd.

Gudoomiyaha ayaa si guud uga warramay Taarikhdii Siyaasadeed ee Dalku soo maray, Isagoo si gaar ah hoosta Uga xariiqay Doorkii Shariifka Ahaa ee Reer Awdal ku lahaayeen Nabadayntii iyo Midnimadii Somaliland.

Sidoo kale Gudoomiyuhu wuxuu ku dheeraaday taariikho kala gadisan oo ku tacalluqa Maraaxilkiii kala gaddisana ee Dalku soo maray, isagoo si gaar ah u dul istaagayay Dhacdooyinkii ku lamaanaa taariikhdii Somaliland.

Gudoomiyaha ayaa halkaasi si guud-mar ah uga waramay Siyaasadda Xisbiga UCID ee ku aaddan Saami-qaybsiga, Waxaanu ballan-qaaday in UCID ay dalka ku soo dabaali doonto Cadaalad, Sinnaan, Qabyaalad-La’aan, in qofku ku shaqo-tago Aqoontiisaa, In Bulshadu Hesho adeegyada asaasiga ah oo bilaash ah iwm.

Ugu Danbeen Gudoomiyuhuu wuxuu ku dardaaray Aqoonyahanka Reer Awdal Oo U Badnaa Ardayda Jaamacadaha in ay ka fogaadaan qabyaaladda isla markaana kor u qaadaan Wadaniyaddooda iyo dal-jacaylka Iyo in ay  meel isku mid ah ka istaagaan Danaha Qaranka .

Intaasi ka dib Aqoonyahankii ku sugnaa Madashaas ayaa su’aalo tiro-badan kula booobay Gudoomiyaha, taas oo meelo kala duwan taabanaysay, waxaana xusid Mudnayd in hadalkooda ay ku fur-furanayeen Mudane Gudoomiye ama Madaxweynaha Mustaqbalka.

Gudoomiyaha ayaa Dhamaan su’aalihii ay Aqoonyahanku kula boobeen uga jawaabay qaab ay ku qanceen dhamaan aqoonyahanku, waxaana la arkayay iyagoo ka garaabaya jawaabaha Gudomiyaha isla markaana sacab kaga fal-celinayay.

Kulankan oo ahaa mid aad u qiimo-badnaa ayaa ah mid ugub ku ah Dalka, iyadoo ay adagtahay in Murashaxiinta kale ee ka sharaxan Xisbiyada WADDANI iyo KULMIYE ay Aqoonyahan intaas leeg oo Reer Awdal ah uga jawaabaan Su’aaalo ka imanayay quluubtaa Aqoonyahanka Reer Awdal kuwaas oo indho u ah Bulsho saluugsan Saamiga ay ku leeyihiin Dawladda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.