Gudida dhaqaalaha, Ganacsiga iyo Maaliyada ee Golaha Wakiilada JSL oo kulan la yeesheen Maareeyaha Wakaalada biyaha Hargeysa

Hargeysa -(WARSOOR)- Gudida dhaqaalaha, Ganacsiga iyo Maaliyada ee Golaha Wakiilada JSL oo ku hawlan Naaqishaada iyo dibu eegista Mashruuc Sharciga Odoroska Miisaaniyada 2023 ayaa kulan waxay Saaka la yeesheen Maareeyaha Wakaalada biyaha Hargeysa iyo Madaxda wakaalada biyaha.

Maareeyaha ayaa faahfaahin ka bixiyey odoroska Miisaaniyada Wakaalada ee 2023, meelaha Dakhligu ka soo baxo, qarash garayntooda, iyoqorshaha horumarinta ee miisaaniyada ku jira.

Gudida ayaa Maareeyaha iyo teamkiisa waydiisay suaalo fara badan oo ku saabsan miisaaniyada iyo Wax soosaarka wakaalada
Maareeyuhuna uu si hufan ugaga jawaabay.

Markii kulankan la soo gebagebeeyey ayay gudidu
faahfaahin iyo xog dheeriya ka dalbadeen maareeyaha si ay faham intan ka badan uga helaan odoroska miisaaniyada oo qoraal ahaan iyo farsmo ahaan qaladaad ku jiro.

Waaxda Warbaahinta iyo xidhiidhka Dadweynaha
Ee Golaha Wakiilada JSL