Guddoomiyihii Golaha Wakiillada Somaliland oo is-casilay

HARGEYSA – (WARSOOR) – Guddoomiyihii Golaha Wakiillada Somaliland Cabdirissaq Khaliif Axmed oo ku sugan magaalada Laascaanood ayaa iska casilay dhammaan xilalkii uu ka hayay Somaliland.

Sida uu kusoo warramayo wariyaha VOA ee Cabdikariim Olol, Cabdirissaq Khaliif Axmed ayaa iska casilay xilka guddoomiyaha golaha wakiillada Somaliland, xildhibaannimada golaha iyo sidoo kale xubinnimada xisbiga mucaaradka ee Waddani.

Cabdirissaq Khaliif Axmed ayaa qaab dhex-dhexaadin ah ku yimid magaalada Laascaanood markii ay billaabatay colaadda socota, isaga oo ugu dambeyntii maanta go’aansaday inuu ka baxo Somaliland.

Xeer ilaalinta Somaliland ayaa Talaadadii lasoo dhaafay u gudbisay Golaha Wakiillada ee Somaliland in la laalo xubinnimadiisa Golaha Wakiillada, waxaana dacwadda xeer ilaalinta oo uu ku saxiixan xeer ilaaliyaha Somaliland Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan lagu eedeeyay ‘inuu jabiyay dastuurka Somaliland.’