Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI oo Codkiisa Dhiibtay

HARGEYSA – (WARSOOR) – Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi ayaa Codkiisa ka dhiibtey saaka Goobta Gurriga Shaqaalaha oo ah Goobtii uu hore uga diiwaangashanaa.

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI ayaa hadal kooban ka jeediyey Xarunta Aqalka Shaqaalaha isagoo dadweynaha faray inay garab-istaagaan KDQ isla markaana ay Codkooda si nabadgelyo ah u dhiibtaan kana faa’iidaystaan Xaqa Dastuuriga ah ee ay u leeyihiin inay Codkooda si xor ah u dhiibtaan.