Guddoomiyaha Xisbiga UCID oo Hambalyada Ciidda Shacabka U Diray

Hargeysa – (warsoor) – Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa shacbiga Somaliland u diray dhambaal hambalyo ah oo la xidhiidha ciida Carafada.

Eng. Faysal ayaa yidhi:

Alxamdulillaah:-

Hambalyo Hambalyo,Ciid Wanaagsan Dhammaantiin Caafimaad san Ku Ciidda.

“Waxa aan hambalyo u dirayaa dhammaan shucuubta Islaamka gaar ahaan shacabka reer Somaliland,Munaasibadda Ciidul-Adxa awgeed waxa aan Allah inooga baryayaa in sanadkan sanadkiisa inagu gaadhsiiyo caafimaaad qab ,bash-bash iyo barwaaqo “.