Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland oo qaabilay xubnaha Guddida Doorashooyinka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland

HARGEYSA – (WARSOOR) – Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna Guddoomiyaha Guddida Cadaaladda Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Adam Xaaji Cali Axmed ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabilay lix xubnood oo ka tirsan Guddida Doorashooyinka Qaranka.

Booqashada Guddida ayaa ahayd tii ugu horaysay tan iyo intii xilka loo dhaariyay, waxaanay salka ku haysay is-xog-waraysi guud oo la xidhiidha xaalada dalka, waxaanay is waydaardadeen aaraa’ ku qotonta wada shaqaynta iyo iskaashiga baaxada leh ee ka dhexeeya Hay’adda Garsoorka iyo Guddida Doorashooyinka Qaranka.

Geesta kale Gudida Doorashada ayaa uga mahadceliyay Gudoomiyaha soo dhawaynta fiican iyo talooyinka ay is waydaarsadeen.

Ugudanbayn, Guddoomiyaha ayaa Guddida u hambalyeeyay shaqada loo dhaariyay Ilaahayna uga baryay in uu u fududeeyo hawlaha culus ee loo igmaday.

Wa bilaahi tawfiiq