Guddoomiyaha Ku-meel-gaadhka ah ee WADDANI oo Beeniyey Hadal Ka Soo Yeedhay Madaxweynaha Cusub ee Somaliland

Hargeysa – (warsoor) – Guddoomiyaha ku-meel-gaadhka ah ee Xisbiga WADDANI Xildhibbaan Cabdiqaadir Jirde, ayaa beeniyey hadal dhawaan ka soo yeedhay Madaxweynaha cusub ee Somaliland Md.Muuse Biixi Cabdi, kaasi oo sheegayey in Madaxda Xisbiga WADDANI ay diideen ergo uu sheegay in uu u soo diray, waxaana uu tilmaamay in arrintaasi ay tahay waxba kama jiraan balse uu Muuse laftiisu ka gow-adeygay dalab ka yimi dhanka Xisbiga WADDANI.

Xildhibbaan Jirde oo arrimahaas hadlaaya, ayaa waxa uu yidhi: “Arrintaa aad sheegtay in Madaxweynahu sheegay in uu ergo noo soo diray oo aanu diidnay waxba kama jiraan, Soo jeedinta anaga ayaa lahayn, waxaanu codsanay in shan iyo shan xubnood oo labada xisbi ahi ay kulmaan, Muuse na isaga ayaa ka gows-qabsaday in uu na la kulmo. Isaga ayaana la kulmay oo beelo doontay, Xisbiga na ka leexday. Xisbigu wax uu diideyna ma jirto, “.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.