Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo madax kale oo ka qeb galay kulan qado ah oo loogu sameeyay Garoowe

GAROOWE – (WARSOOR)  – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa magaaladda Garoowe ee xarunta Dowlad Goboleedka Puntland uga qeyb galay kulan qado sharaf oo halkaasi loogu sameeyay madaxda ka qeyb galeysa madasha aragti wadaaga ee uu soo qaban qaabiyay Machadka Daraasaadka siyaasadda ee Heritage.

Kulanka waxaa kaloo qeyb ka ahaa Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Mahdi Maxamed Guuleed (khaddar) iyo Madaxweynayaashii hore ee Dalka, Madaxda Maamul Goboleedyada qaarkood iyo marti sharaf kale.

Kulanka qadada ayaa madaxdu waxa ay ka wareysteen xaaladda dalka.