Guddoomiyaha Baarlamaanka XFS oo Xildhibaano Ka Joojiyey Kalfadhiga Soo Socda

MUQDISHO – (WARSOOR) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal, ayaa Kalfadhiyada soo socda ka joojiyey inay xaadiraan 15 Xildhibaan, kuwaas oo lagu eedeeyay inay maanta is hortaageen fadhigii Golaha.

Fadhigii Baarlamaanka Soomaaliya ee maanta ayaa lagu kala tagay kadib foodo iyo buuq ay sameeyeen qaar kamid ah Xildhibaanadu, Fadhiga waxaa looga hadlayey xaalada xanuunka Covid-19.

HALKAN KA AKHRISO GOAANKA GUDDOOMIYAHA: