Guddiga Siyaaasadda, Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha & Xidhiidhka Caalamiga ah ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland oo Kulan la Qaatay Wasaaradda Qorsheynta

Garoowe – (WARSOOR) – Guddiga Siyaaasadda, Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha & Xiriirka Caalamiga ah ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa maanta kulan la qaatay Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah.

Kulanka oo ahaa mid isbarasho ah ayaa sidoo kale Guddigu ka dhageysteen warbixin ku aadan shaqooyinka ka socda Wasaaradda, waxyaabaha qabsoomay & caqabadaha jira, waxaana warbixinta kadib Guddigu su’aalo ka weydiiyeen mas’uuliyiinta Wasaaradda arrimaha ay ka hadleen.

Ugu dambeyntii, Xildhibaannada ayaa sheegay in warbixino ku saabsan korjoogtayn ay mudooyinkan wadeen ay horgeyn doonaan Kalfadhiga guud ee Baaralamaanka.

https://t.me/parliamentofpl
  • DHAMMAAD –

Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland