Guddiga Joogtada ee golaha shacabka oo kulan ku leh xarunta Villa Hargeysa

Muqdisho – (warsoor) – Guddiga Joogtada ah ee golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kulan uga socdaa Xarunta Villa Hargeysa, kulankaas oo ajendihiisu uu yahay qabyo qoraalka dib u eegista Dastuurka.

Kulanka oo uu shirguddoominayo Guddoomiyaha golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan ayaa waxaa ka qeyb galaya Guddiga Dastuurka ee BFS iyo Guddiga Madaxa bannaan ee Dastuurka.

Waxaana kulanka diirada lagu saarayaa xeerka Dib Loogu dhigayo Dastuurka Barlamaanka 11-aad si loo horgeeyo golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.