Guddiga joogtada ah ee Golaha Aqalka sare oo bogaadiyay shirka Dhuusamareeb

Muqdisho – (WARSOOR) – Guddiga Joogtada Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo yeeshay fadhigiisa 3aad kulankiisa 7aad, uuna shir Guddoominayay Gudoomiyaha Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Senator Cabdi Xaashi Cabdulaahi ayaa looga hadlay dhowr qodob oo ay ka mid tahay wada xaajoodka Dhuusamareeb ee ay marti gelisay dowlad Goboleedka Galmudug iyo in la dhaqann geliyo qodobada ka soo baxa shirka.

Guddoomiye ku-xigeenka 1aad Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Senator Abshir Maxamed Axmed (Abshir Buqaari ) oo kulanka marka uu soo gaba gaboobay kaddib la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Golaha Aqalka Sare uu bogaadinayo gogosha Nabadeed ee ay dowlad goboleedka Galmudug u fidiyeen Ummadda Soomaaliyeed ee aayaha Soomaaliya looga xaajoonayo.

Akhriso baaqa ay soo saareen Guddiga Joogtada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee uu saxaafadda u akhriyay Senator Abshir Maxamed Axmed (Abshir Buqaari) Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

             Halkaan Hoose ka Akhriso warka ka soo baxay Aqalka sare:-