Guddida Qandaraasyadda Qaranka Somaliland oo Soo Bandhigay Qandaraasyo Lagu Guuleystay

Hargeysa – (warsoor) – Guddida Qandaraasyadda Qaranka Somaliland ayaa shaaciyey laba shirkaddood oo ku guuleystay qandaraasyo dhisme ah oo ay dawladdu bixisay. Qandaraasyadaasi oo ay u tartameen ilaa 20 shirkadood oo dhismaha ka shaqeeya.

Guddoomiyaha Guddida Qandaraasyadda Qaranka Somaliland Nuux Maxamedu Xuseen oo maanta shirka jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa ku dhawaaqay shirkadda ku guuleystay qandaraasyadaas.

Guddoomiyaha Guddida ayaa sheegay in dhismaha wasaaradda Horumarinta beeraha ay ku guuleysatey shirkadda Modern Enterprise. Dhismaha xarunta Madbacadda Qaranka Waxaa ku guuleysatey Heemaal Construction Company.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.