Guddida Nashqadeynta Dhulka Ee Qaranka Oo Go’aamo Ka Soo Saaray Qorsheynta Dhulka

Hargeysa – (warsoor) – Guddida nashaqadeynta dhulka ee qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta fadhi ay ku yeesheen magaalada Hargeysa ku joojiyey qorsheynta magaalooyinka dalka iyo fiditaanka caasimada Hargetysa xayiraadna saaray beeraha la qorshaynayo.

Guddidan ka kooban xubno wasiirro ah isla markaana uu guddoomiye u yahay wasiirka wasaaradda hawlaha guud, dhulka iyo guriyyenta Somaliland Cabdirashiid Ducaale Qambi, ayaa markii uu kulankaasi soo dhamaaday waxa uu faahfaahin ka bixiyey waxyaabihii ay kulankaas kaga hadlay iyo go’aamo ay ka soo saareen, wuxuuna wasiirka hawlaha guud ee Somaliland sheegay inay hakiyeen qorsheynta magaalooyinka dalka marka laga reebo afar magaalo oo kala ah, Togwajaale, Gabiley, Laascaanood iyo Ceerigaabo, isla markaan ay joojiyeen fiditaanka caasimadda Somaliland ee Hargeysa, wuxuuna intaas ku daray in aan dhismayaasha la dhaafin karin halka ay hada marayaan.

Waxa kale, oo uu wasiir Qambi sheegay in dhamaan qorsheynta Beeraha ee Hargeysa la joojiyo ilaa laga sameynayo qorshaha guud ee loo yaqaano Master Plan, si deg-deg ahna loo diyaariyo sidii loo hirgelin lahaa qorshahaas guud ee caasimadda lana dhaystiro wixii ka dhiman, iyada oo guddidaasi ay fartay wasaaradda hawlaha guud in ay soo dhaystirto xeerka iyo siyaasada lagu maamulayo dhulka, waxayna guddidaasi amartay maayarada magaalooyinka dalka in ay soo gudbiyaan dhulkii danta guud ahaa ee ay hore u qorsheeyeen dhamaana go’aamadii hore ee guddidaas ka soo baxay ay yihiin sidoodii hore.