Guddida Nabadgalyada ee Gobolka Sanaa goo Kulan ka yeeshay Hawsha Nashqadaynta Magaaladda Ceerigaabo

Ceerigaabo- (warsoor) – Guddida nabad gelyada Gobolka sanaag  ayaa ka hadashay hawsha nashqadaynta magaalada ceerigaabo  ee ay wado wasaarada hawlaha guud dhulka iyo Guryeyeynta

Sida uu ku soo waramayo Weriyaha Wakaaladda Wararka ee Gobolka Sanaag Cabdirisaaq Xaaji Axmed kulankan ayaa Ujeedadiisu ahayd sidii bulshadda ku dhaqan magaaladda Ceerigaabo ay u taageeri lahaayeen hawsha baaxada leh ee Nashqadaynta Magaaladaasi waxaanu kulankaasi ka qabsoomay xarunta dawladda hoose ee magaaladda ceerigaabo waxaa ugu horayn halkaasi ka hadlay Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Sanaag waxaanu sheegay in hawshani tahay mid qaran oo loo baahan yahay in dhan looga soo wada jeedo.

Sidoo kale Maayarka Magaaladda Ceerigaabo ayaa dhankiisa tilmaamay in hawsha nashqadayntu aanay ku koobnayn Magaaladda Ceerigaabo balse ay la wadaagto magaalooyinka waaweyn ee dalka si xal loogu helo ayuu yidhi in la kala xadeeyo wadooyinka iyo goobaha ay dadweynuhu degi karaan.

Waxaa kale oo halkaasi ka hadlay qaar ka mid ah Saraakiisha Ciidamadda amaanka oo balanqaaday inay Taageerayaan wax kasta oo lagu hagaajinayo bilicda magaaladda Ceerigaabo.