Guddida Isku-duwidda Lacagta Taakulada Bulshada oo kulan la yeelatay xubno ka socda dalalka Qaadhaan bixiyayaasha (Donors) iyo Hay’adaha Qaramada Midoobay (UN)

HARGEYSA – (WARSOOR) – Guddida Isku-duwidda Lacagta Taakulada Bulshada ayaa maanta kulan la yeelatay xubno ka socda dalalka Qaadhaan bixiyayaasha (Donors) iyo Hay’adaha Qaramada Midoobay (UN).

Kulankan ayaa lagaga hadlayey hirgelinta Wareegtada maamul ee Lacagta Taakuladda Bulshada (Cash Transfer) ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi uu soo saaray dhawaan.

Muddadii uu shirku socday waxa lagu falan-qeeyey qaybaha maamul ee Wareegtada Madaxweynuhu ka kooban tahay iyo sidii loogu hawl geli lahaa.

Gebagebadii shirka waxa la isla qaatay in dalalka Qaadhaan-bixiyayaasha iyo hay’adaha Qaramidoobay soo magacaabaan xubno u metela Guddida Farsamo ee Lacagta Taakuladda Bulshada, waxaana loo balamay in shir dambe la iskugu yimaaddo.